Hubinta Sugnaanta Xadiiska

HadithWaxyiga Ilaahay noo soo dhiibay waa quraanka iyo xadiiska oo ah hadalkii iyo dhaqankii Rasuulka NNKH. Quraanka si gaar ah ayaa Ilaahay u ilaaliyey oo quraanka aan hadda haysanno waa hubaal. Laakiin waxaa ilaa qarniyadii ugu horreeyey Islaamka jirey in si xad dhaaf ah la isugu dayey in la abuuro axaadiis been ah kuwaas oo laga lahaa dano ay ka mid yihiin:

1- In lagu xoojinayo aragti diimeed aan sal lahayn.

2- In lagu xoojinayey maamul jirey waqtigaas oo dad dano gaar ah lihi u samayn jireen boqorradii axaadiis sheegaysa in nebigu sii sheegay in boqorkaasu fiican yahay.

3- In alaab gaar ah la yiraahdo nebigaa khayr ku sheegay si alaabtaas loo iibsado.

4- Waxaa iyaguna jirey dad is lahaa dadka diinta u sheega oo markaa allifay axaadiis ay is leeyihiin dadka xumaanta kaga joojiya khayrkana ugu jeediya.

Maadaama uu xadiisku ahaa tiir culus oo diinteenna ka mid ah, waxaa muhiim ahayd in la kala sooco axaadiista sugan iyo kuwa la been-abuurtay. In kulligood la aqbalo waxaa ka dhalanaysay in been Ilaahay lagu caabudo, in la wada diidana waxaa ka imanyasay in diin xaq ah la diido. Waxaa markaa khasab noqotay in la sameeyo cilmi lagu miisaamo axaadiista laga soo tebinayo Nebiga NNKH.

Xadiis, waxaa la yiraahdaa oraah, fal ama muuqaal laga soo tebiyey Nebiga NNKH. Muuqaal waxaan uga jeeda mid cibaado oo kale sida ‘muuqaalka dawaafka ama rukuucda salaadda’.

Iyadoo weli saxaabadii qaar sii nool yihiin ayaa waxaa bilaabatay in laga taxadaro axaadiista oo la iska hubiyo in ay sugan yihiin iyo in kale. Saxaabigii Cabdullaahi ibnu Cabbaas ayaaa ka sii jeestay oo aan u dheg-raaricin nin xadiis sheegaya. Ninkii ayaa dhibsaday oo yiri “Maxaad ii dhegeysan weydey soow aniga Nebiga xadiiskiisii kuu sheegaya?” Saxaabigii wuxuu yiri “Waxaa na soo maray waqti qofkii nebiga xadiis ka sheegaba ay dhegaheenna iyo indhaheennu ku tartamaan, laakiin markii dadkii meel walba isku qaadeen (wax walba nebiga ka sheegeen) waxaan wax ka qaadannaa dadka aan naqaanno keliya.”

Hubinta xadiisku marka sidaas ayey u horreysey. Waxaaba jira waqtiyo ka sii horeeyey oo khulafadii sida Cumar Ibn Khaddaab iyo saxaabadii horeba ay hubin jireen sugnaanta xadiiska ay maqlaan.

Saxaabadii nebigu NNKH waxay ku baaheen dhulkii muslimiintu furatay oo in yar ayaa Madiina ku hartay. Saxaabi walba wixii uu ka maqlay nebiga ayuu ka sheegay dhulkii uu degaanka ka dhigtay. Marka tusaale ahaan Cabdullahi ibnu Mascuud xadiiskiisa reer Ciraaq ayaa badidiisa hayey, Cabdullaahi ibnu Camar ibnu Caas isagana reer Masar, Abuu Hureyra waxaa loogu iman jirey Madiina. Sidoo kale magaalooyinkii kale midba waxaa joogay saxaabo cilmiga laga qaato.

Degaamada ay aadka ugu hardami jireen maamulada iyo aragtiyaha diiniga ah waxaa ka mid ahaa Ciraaq. Taas waxaa ka dhashay in Ciraaq ay ka mid noqoto meelaha ugu badan ee laga allifi jirey axaadiista. Waxaa jirtey in uu nin reer Ciraaq ah yimi Madiina oo uu markaas hoos fariistay Imaam Maalik ilaa muddo bil ah si uu uga dhegeysto axaadiista. Maalintii dambe ayuu ninkii u yimi Maalik oo ku yiri “Shiikhoow axaadiista aan bisha dhan kaa maqlay hal maalin keliya ayaan ku heli jirey markaan Ciraaq joogay!” Maalik ayaa ugu jawaabay “Annagu sida ciraaq habeenkii ma samaysano xadiiska si aan subixii suuqa u keenno.”

Ardaydii xadiiska raadin jirtey waxay lahaayeen miisaan ay ku kala soocaan culimada ay wax ka dhegeysanayaan. Tusaale ahaan waxaa la soo tebiyey in arday xadiis doonaysey ay u tageen shiikhii ay u socdeen isagoo faras uu lahaa raba inuu soo qabto oo marka weel maran ku sasabaya isagoo moodsiinaya in ay cunto ku jirto. Ardaydii waxba kama qaadan shiikhii waayo waxay is yiraahdeen hadduuba xoolaha been u sheegayo wax walba waa dhici karaan (Al-Mucallami, Al-Anwaar Al Kaashifah)

Waxaa bilaabatay in xadiiska loo abtiriyo oo qofku uu taxo dhammaan raggii xadiiskan soo tebiyey ilaa Nebiga NNKH. Taas waxaa laga eegi jirey laba arrimood; in dadka la sheegay ay ahaayeen dad la yaqaan oo taariikh ahaan isa soo gaaray iyo in ay ahaayeen dad lagu kalsoonaa oo culimadii waqtigooda joogtay ay ku sheegeen in ay diin wanaagsanaayeen iyo weliba inay xifdi sare lahaayeen.

Marka shiikhu u fariisto dersiga xadiiska, ardaydu waxay qoran jireen waxa uu sheegay iyo raga uu taxayo (sanadka). Marka shiikhu dhammeeyo axaadiistii uu sheegi lahaa waxaa dhici jirtey in ardaydu kitaabka ay wax ku qorteen baalasha ugu dambeeya ay ku qori jireen magacyada dhammaan ardayda kale ee dersigan wax ka dhegeysatey si hadhow haddii mid yiraahdo waagii shiikh hebel magaaladaas xadiiska ku akhriyey ayaan joogay loo hubsado inuu beenlow yahay oo magaciisu aanu ku jirin lifaaqa ardayda.

Dadkii axaadiista been abuurka ah ku shaqaysan jirey iyaguna waxay sameeyeen horumar la jaanqaadi kara cilmiga cusub ee xadiiska waxayna bilaabeen inay axaadiista u sameeyaan abtirsiimo been ah. Culimada xadiisku waxay markaa si fiican u yaqaanneen taariikhda ku xeeran xadiiska sida culimadiisii, degaamadii ardayda iyo culimadu wax ka ka barteen ama ka bareen, waqtiyadii culimadu degeen magaalooyin gaar ah ama ka guureen, haddii nin shiikh ah uu galay safar oo markaa arday cusub safarkiisii wax ugu sheegay iyadan si gaar ah ayaa loo diiwaan gelin jirey.

Diiwaangelinta axaadista nebiga NNKH waxaa dhinac socdey cilmi kale oo lagu hubsanayey sugnaanta xadiiska. Hordhaca kitaabka Saxiixul Muslimka waxaa ku jira qoraal dheer oo si xeeldheer u taabanaya habkii (methodology) ay culimadu u mari jireen hubinta iyo tebinta xadiiska. Imaamu Shaafici isaguna kitaabkiisa Al-Risaalah wuxuu kaga hadlaa dhinacyo ka mid ah cilmigaas lagu hubinayey xadiiska sugnaantiisa. Shaafici wuxuu geeriyooday 204tii Hijriga marka in cilmigu waqtigaasba sal dhigtay ayey taasi muujinaysaa.

Qarnigii saddexaad ee taariikhda hijriga ayaa ahaa qarni aad loo allifay kutub lagu diiwaan gelinayo axaadiis horay u qornayd laakiin kutub si gaar ah loo leeyahay lagu kala werin jirey oo arday walbaa inta uu macallinkiisa ka soo qortay uu kitaab isaga u gaar ah ku kaydsan jirey. Qarnigan waxaa la qoray kutubta Bukhaariga, Muslimka, Tirmidi, Abuu Daa’uudka, Nisaa’iga iyo kuwo kale.

Bukhaariga waxaa si gaar ah u xoojiyey in shuruudaha uu xadiiska ku aqbalayey ay ka adkaayeen dhammaan inta kale ee wax qoraysey iyo in culimadii noolayd waqtigiisa ay u qireen aqoon, diin, iyo xilkasnimo dheeri ah. Marka laga reebo inuu maray hab cad oo uu ku sugay xadiiska uu xulanayey, waxaa la sheegay in xadiis walba oo uu ku qoray kitaabkiisa uu salad gaar ah u tukaday.

Waxaa jirey rag isku dayey in ay axaadiista Bukhaari xushay ku soo tebiyaan dariiq ka duwan kan Bukhaari waayo axaadiista Bukhaari markuu maqlayey waxa la joogay rag kale oo iyaguna maqlayey sidoo kale shiikha Bukhaaru ka maqlay xadiiska waxaa la joogay rag kale. Waxaaba jirtey in hal xadiis laga kala weriyey dhawr saxaabi oo kala joogey meelo kala duwan markaa dadkii dhulkaas joogay ay isu haystaan in ay keilgood yaqaanaan xadiiskan maadaama uu saxaabigu iyaga la joogay iyagana u sheegay ilaa waagii dambe markii ardaydii bilawday in ay isu safraan oo xadiiska u doontaan degaanno fog la ogaaday in isla hal xadiis loogu abtirin karo dhawr saxaabi oo kulligood ka wada maqlay rasuulka NNKH.

Marka culimada isku dayday in ay axaadiista Bukhaari u keenaan dariiq kale waxaa ka mid ah Isfaraa’iini, Al-Jurjaani, AL-Asbahaani, iyo kuwo kale. Sidoo kale kitaabka Muslim rag ayaa u doonay xoojin ka duwan dariiwa uu Muslim wax ku soo weriyey. Kutubta noocan ah oo aad u fara badan waxaa la yiraahdaa “Mustakhrajaat” waana kutub xoojisa Bukhaariga iyo Muslimka waayo waxay tusayaan in Bukhaari waxa uu soo sheegay ay rag kale oo badan soo sheegeen oo aanany isaga gaar ku ahayn.

Sida Bukhaari iyo rag kale u diwaan geliyeen axaadiistii saxiixa ahayd ama sugnayd,  ayaa rag kalena u qoreen kutub gaar ah oo ay ku diiwaan gelinayaan axaadiista daciifka ah ama aan sugnayn. Raggaas waxaa ka mid ah Almaqdisi (Tadkirah), Aljuusaqaani (Al-Abaadiil), Ib Jawzi (Mawduucaat), iyo kuwo kale.

Waxaa intaas dheer in si gaar ah loo qoray kutub laga barto habka loo raaco saxiixinta iyo daciifinta xadiiska oo ah cilmiga loo yaqaan Musdalaxul Xadiis oo lagu xoojiyo Cilmul Rijaal oo ah taariikh tusaysa dhammaan raggii xadiiska werin jirey noloshoodii iyo heerkii xifdigooda iyo ammaanadoodu joogeen oo laga soo tebiyey raggii la noolaa. Cilmigaas xadiiska lagu miisaamo ragga wax ka qoray waxaa ka mid aha Ibnu Salaax (Culuumul Xadiis). Kitaabkiisa waxaa sharraxaad saaray ama gabay u beddelay si loo xifdiyo culijmo badan oo uu ka mid yahay Imaamu Nawawi, Ciraaqi iyo kuwo kale.

Dabcan ma sahlana in aqoon sal-dhigatay oo boqolaal sano la soo rogrogayey lagu soo koobo qoraal sidan u gaaban. Laakiin qasadka qoraalku waa in la muujiyo inuu jirey hab-cilmiyeed lagu miisaami jirey tebinta axaadiista si loo kala hufo koodaa sugan, kan dhaawacan iyo kan beenta ah.

Qoraalkan waxaa diyaariyey Qore Abdulqadir Diriye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

Up ↑

%d bloggers like this: