Safarkeyga Dalka Rwanda

Markaan sawir kooban ka bixiyo dalka Rwanda, waa wadnaha qaaradda Afrika, oo xuduud la leh Burundi, Tanzania, Congo iyo Uganda. Waa dalka ugu yar Africa marka laga reebo jasiiradaha. Waa dal aan bad lahayn oo dhacda koonfurta Equator ee bariga iyo bartamaha Afrika. Dadkeedu waxaa lagu qayaasa ku dhawaad ​​12 milyan. Waxaana dega dhowr qowmiyadood, ka mid ah qowmiyadaha Hutu, Tutsi iyo Pygmy Twa oo ugaarsato ah. Dadkeedu uga badan waxay ku dhaqmaan caqiida Katooliga ee diinta Masiixiga. Muslimiinta dalkas ku dhaqan tiradooda waxaa lagu qiyaasa 2.0% (tirakoobka 2012).  Luuqadda ugu  weyn ee waddanku waa Kinyarwanda, oo ay ku hadlaan ku dhawaad ​​dhammaan dadka Ruwandiska. Waxaa kale soo racaaya luqadaha Suwaxiliga, Fransiska iyo Ingiriisigga oo dugsiyadda ilaa jaamacadaha lagu barto. Rwanda waxay leedahay hal maalin u gaar ah bil kasta oo looga magac darey “Umuganda Day” micnaheedu tahay “maalinta isku imaatinka bulshadda” oo dhaca sabtida ugu dambeyso ee bil kasta ee qasab tahay in muwaadin kasta ka qeyb qaato nadiifinta xaafadahooda, laga bilaabo sideeddii subaxnimo ilaa kow iyo tobakii sabaxnimo(8:00am-11:00am) taassi  u horseedey in wandanka Rwanda uu noqdo  mid ka mid ah wadamadda uga nadiifsan ee dunida.   

Maxaan ku soo Bartey Dalka and Dadkiisa?

Dalku waa dal aad u yar sidda kor an ka xusey oo buuraley ah. waxaana loo yaqaan “dhulka kunka buurood.” Waxaa ka jira nidaam ku saleysan dhaqanka shacabka ku dhaqan dalka iyo kuwo kale lagu soo minguuriyey wadamo kale, gaar ahaan reer galbbedka. Waxaa ka jira nidaam kala dambeyn leh iyo sharciyadda aad loo ixtiraamo loogana dhaqmo. Waxaa laga yaabaa in ay jiraan istuhun ee gudaha  qowmiyadaha oo sababay colaadihii hore ee dalka ka dhacay, laakiin waxaan ku soo arkey in dadka reer Rwanda ay yihin dadka ugu ugu dulqaadka badan dhanka wada noolaanshaha qowmiyadaha iyo diinta kala duuwan ee qaaradda Afrika, marka laga reebo dalka Tanzania. Inta aan joogey, maalin ma aan arkin labo murmeyso, isku qeylineyso ama  fara ka hadal dhex maraayo.  Dhacdooyinka gumaad-qowmiyadeedka dhacay 1994tii saameyn weyn buu ka yeeshey dhinac kasta ee dalka, dhanka dib u heshiisinta, siyaasadda iyo amniga dalka iyo guud ahaan arimaha bulshadda. Ayadoo qof kasta og qowmiyadda uu ka soo jeedo iyo qoys ahaan, dalku waa ka mamnuuc wax kasta ku saleysan qabiil/qowmiyaddaha Hutu iyo Tutsi. Qofka ka hadla  arimha ama sifooyinka qabiiliga ama qowmiyadaha Tutsi iyo Hutu waxaa loo aqoonsada dambiile oo “Qeybiye dadweyne”. Shacabka dalka waxay sii fudud ula qabsadeen shuruucda dowladda ka soo saartey ee ku qotonto is addeecista, ayadoo qowmiyadda ama qabiilka qofka loo fiirineynin. Hitaa haddii caruurta dugsiyadda dhigtan lagu maqlo ayagoo ka hadlaayo sifiiyin qowmiyadeed, waalidkii ayaa dib loo raacaya iyo meelaha kale uu canuga ka keeni kara ka hadalka qowmiyadda. Marka la sheekeysatid dadweynaha dalka waxay  ay kuu sheegan  “Dhammaanteen waxaan nahay Rwandis,” aad bay u dhib sadaan iney ka hadlaan wax walnbo quseeya qowmiyaddaha ama qabiilka. Sharciyadda mamnuucaayo arimaha ka hadalka qowmiyadaha/qabiiliga si rasmi ah oo  adag ayaa loo dhaqan geliyay. Qof kasta muwaadin ah qeyb weyn ayu ku cayaaraya dib u heshiisinta iyo nabadeynta dalka. Muwaadin kastana wuxuu isku xilqaamey waxaa dhacay 1994tii in dib usoo laaban. Qofkay u arkaan inuu kala qeybin dadweyne wado sii degdeg ah ayaa laamaha amaanka lola wargeliya sii looga hortago tacadiyadda ka imaan kara kala qeybin-qowmiyadeed ee dalka. Rwandisku waa dad aad u af gaaban oo buuq badneen oo aad isku ixtiraama dhexdooda iyo martidda dalka dibadiisa ugu timaado. Waa dal nabad Ah, waa Dal Nabad ah, waa Dal nabad ah.

Dhaqaalaha Dalka

Dalka Rwanda waa wadan aad u furfuran uu aad ula jaanqaadey dunidda asriga ee maanta, dadkiisana aad u jecel ganacsigga iyo isku tashi shaqsiyadeed iyo bulshadeed. Horumar balaaran ayaa ka jira, dhaqaalihiisa oo sii hawli ah u kobcaaya. Waxay leeyihin suuq aad u furan ee meel kasta lagu maalgashan karo, shuruucdiisana ay dhib badneen. Dhaqaalihiis waxaa aad ugu tiirsan yahay qeyraadka dabiiciga, sidda beeraha iyo macdanta dhuulka laga soo saaro iyo maalgashiga dhuulka iyo guryaha. maalgashadayaasha waxay aad u malgashtan dhanka guryaha iyo gaadiidka, iyo macdanta. Dhuul iyo guryo gadashada aad bey u sahlan tahay. Horumarka guryeyntana xeer sare ayuu maraaya. Sidda aan ku soo xigtey Hay’adda Guryeynta Rwanda, hadda dadka ku nool magaalooyinka waxaa lagu qiyaasa 18% ilaa 35%, laakiin dowladda waxay qorsheysey in tiradaas la gaarsiiyo 35% tan ilaa 2024. Magaaladda Kigali waxaan ku arkey hawlo ganacsi oo heersare ah. Waxaa la ii sheegey in mudooyinkan dambe ay aad ugu soo badanaaya maalgashiga suuqa technology’ga ama farsamadda casriga ee kombuyuutaradda (Tech). Waxaan ku arkey nidaamka tignoolajiyada ugu horumarsan ee qaaradda.  

Goobta aan aad uga Helay ee lagu caweeyo Magaaladda Kigali.

Biryogo waa meesha ugu fiican ee aad ka bilaabi karto caweyska galabnimo ilaa habeenkii xili dambe. Biryogo waa aag aan baabuurta iyo mootooyinka marin oo ka mid ah xaafadaha magaaladda Kigali. Waxaana si qurux leh loogu rinjiyeeyay midabka cagaar, buluug, caddaan iyo cawl oo leh hawo furan. Xaafadda waxaa deggan dad aad u wanaagsan ay u badan yihiin Muslimiin. Taariikh ahaan waa bulsho Muslim-kaliya, laakiin waxay noqotay xaafada ugu weyn dadyow kala qowmiya iyo diin ah ugu badan. Galabti ama habeenkii markaa tagto xaafadan, waxaad ku arkeysa dad u fafadhiya miisas wadaag ah oo ku yaala afaafka hore ee goobaha shaaha laga cabo iyo maqaayado ku yaala wadada bartankeeda, iyaga oo caweynaaya, halka qaar kalena ay ku dhex socdeen. Waxa kale an goobtan ku arkey oo xiisaha  leh oo aad isoo jiitey, lagu arki mayo wax qamri ama maandooriye ah. Hitaa ma aan ku arkinm cunto xalaal ehee, sababta oo ah waxaan u malaynayaa inay tahay aagga ay muslimiintu ku badan yihiin. Shaaha iyo kafeega ama qaxwaha ayaa ah cabbitaannada ugu caansan aaggan kaas oo  tahay caado  soo jireena sanado badan.

Qeyb kale ayaa jirta oo baabuurta iyo mootoyinka marin, waa meel ka mid ah Halbowlaha Magaaladda Kigali (City Center/Downtown). Qeybtaas galabti dhalinyaro ayaa isugu timaada, waa meel aad u qurux badan oo dadka iyo dalxiisayaasha isku sawiran. Dhalinyaradda waxaa aad usoo jiida, marka goobta timaado waxay leedahay internet (WiFi) oo lacag la’aan/bilaash (free) ah  oo telefonkaaga isaga xiran katid. Waa meel kale xiiso leh oo dadka soc socod u imaadan, la isku sasawiro iyo muuqalo qurux badan la isku soo duubo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

Up ↑

%d bloggers like this: